two days
three days
four/five days
20$ per month
30$ per month
40$ per months

Dowlada Mareykanka ayaa mawaadiniinteeda uga digtay iney u safraan dalka Soomaaliya oo ay sheegtay iney ka jirto qatar dhanka amaanka ah warsaxaafadeed kasoo baxay wasaarada arimaha dibada wadanka Mareykanka ayaa loogu baaqay mawaadiniinta u dhashay dalka mareykanka iney ka digtoonaadaan safaro ay ku tagaan dalka Soomaaliya oo ay sheegtay in ammaankiisa aan  si buuxda la iskugu halayn karin.

Warsaxaafadeeda ay soo saarta wasaarada arimaha dibada dalka mareykanka ayaa lagu sheegay in walaaca dalka mareykanka ay kor usii qaaday  kadib markii ay dhawaan kooxda alshabaab ku biirtay  urur  weynaha Alqaacida taas oo mareykanku sheegay iney ka dhalan karto halis ku timaaday dadka  Mareykanka ah hadii ay u safraan dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeeda ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanku uusan Safaarad ku lahayn dadlka Soomaaliya taasine aysan u suurta galineen in si deg deg ah wax loogu qabto hadii ay dhibaato soo food saarto inta ay ku suganyihiin Soomaaliya Sidaas darteedne ay ka fogaadaan iney u safraan Soomaaliya, Warsaxaafadeeda wasaarada arimaha dibada dalka mareykanka ayaa kula taliyey mawaadiniinta mareykanka iney lasoo xiriiraan qeybta socdaalka u qaabilsan safaarada mareykanka ee magaalada Nairobe ee dalka kenya.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dalka Soomaaliya ay markasta ka dhici karaan dhibaato ammaan darro waxayna u aaneeyeen arintaas shabaab oo ay sheegeen iney waqtiyo badan si wadar ah u laayeen dad shacab ah iyagoo warsaxaafadeedka lagu sheegay in alshabab ay beegsadaan goobaha la iskugu yimaado.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay iney adagtaya in waxbadan laga ogaado falalka nuucaas ah oo ay damacsanyihiin shabaabku iney ku waxyeeleeyaan mawaadiniinta Mareykanka ah.

Ugu danbeynii ayaa waxaa lagu sheegay warsaxaafadeedka wasaarada arimaha dibada mareykanka in afduubyada ka dhaca dalka Soomaaliya ay badanyihiin waxayna sheegtya in xitaa dadka loo kireysto ilaalada iney gacan ka geystaan afduubka loo geysto dadka ajaanibta ah.